Obama: Si fudud dagaal kuma galeyno

Lahaanshaha sawirka v
Image caption Madaxweyne Obama

Fariinta weyn ee ku jirtay khubadii uu Madaxweyne Obama ka jeediyay saldhiga ciidan ee West Point, ayaa ahayd in xilliga uu isbedelay, sidaa awgeedna uu Mareykanka bedelay hab dhaqankiisa dibada.

Waxaa uu sheegay in Mareykanka aanu mar dambe si fudud dagaal ku gali doonin, isaga oo aan ka fiirsan cawaaqibka kasoo gaari kara.

Obama ayaa tilmaamay in Mareykanka haddii uu haysto dubaha ugu waangsan aanay taa ka dhigneyn in dhibaato kasta ay tahay musmaar dubahaasi lagu garaaco.

Waxaa uu Madaxweyne Obama difaacay go’aankiisa ah in aanu ciidan u dirin dalka Suuriya si xukunka looga tuuro Madaxweyne Bashar Al-Asad.

Dad badan ayaa u arka khudbada Obama mid uu ku sharaxayo dhaciifnimada loo tiiriyo marka laga hadlayo sida Mareykanka uu wax uga qaban la’yahay dowladdaha Ruushka, Shiinaha iyo Suuriya.

Dadkaasi ayaa u arka in Mareykanka aanu lahayn maqaamkii hore ee looga cabsan jiray.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan