Dad ku dhintay cisbital gubtay

Lahaanshaha sawirka .
Image caption Cisbitalka uu dabka qabsaday

21 qof ayaa ku dhimatay, tiro ka badana waa ay ku dhaawacmeen dab aroornimadii Arbacada ka kacay cisbital ku yaalla dalka Koonfur Korea.

Cisbitaalka uu dabka qabsaday ayaa ku yaalla deegaanka JANGSEONG oo 300KM u jira caasimada Seoul, kaasoo lagu xannaaneeyo dadka waayeelka ah oo qaarkood ay qabaan xanuunno dhanka maskaxda ah.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah kalkaaliye caafimaad.

Muddo 30 daqiiqo gudahood ah, ayaa dabkii lagu damiyey balse waxa cirka isku shareeray qiiq madow.

Bukaannadii ku jiray dabaqyadda hoose ee cisbitalka ayaa la sheegayaa in ay ka badbaadeen dabka, balse in badan oo ka mid ah kuwii ku jiray dabaqyada kore ayaa lagu soo warramayaa in dhinteen.

Cisbitalka waxa lagu daaweynayey dad waayeel ah oo ay da'doodu u dhaxeyso 70- ilaa 80-tan sanno, waxaana la sheegayaa in intooda badan u baahnayeen in la caawiyo si ay uga baxsadaan dabka.

Dhacdadan ayaa timid laba maalin un ka dib markii xarun laga raaco basaska dab ka kacay ay ku dhinteen 7 qof waqooyiga magaala madaxda Seoul.

Waxaana ka sii horaysay muddo bil laga joogo haatan markii ay degtay dooni ay saarnayeen arday, waxa ku dhintay boqolaal, madaxweynaha dalkaas ayaa eeda dusha uga tuurtay shaqaalaha doonida oo ay sheegtay in ay dhinac mareen hababkii lagu badbaadin lahaa ardeyda.