Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi: Wasiirka arrimaha dastuurka

Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya ayaa Khamiistii ansixisay guddi cusub oo madaxbannaan oo dib-u- eegi doona dastuurka iyo arrimaha la xariira amniga.

Guddigan oo ka kooban shan xubnood waxa uu ka shaqeyn doonaa dib u eegista iyo wax ka beddelka Dastuurka Soomaaliya.

Haddaba waxaanu arrintaa ka wareysannay Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka ee dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in markii la soo dhammeeyo dib u eegidda, dastuurka loo qaadi doono afti dadweyne.

Wasiirku waxa uu u warramay weriyaha BBC Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.