Google oo aqbashay codsi Yurub uga yimid

Barta wax laga baadho ee Google Lahaanshaha sawirka AP

Barta wax laga baadho ee Google ayaa samaysay adeeg dadka Yurub u ogolaanaya in ay dalban karaan in shirkaddu tirtirto macluumaad ka shaqsiga la xidhiidha ee Oline ka laga heli karo.

Arintani waxaa ay timid kadib markii xukun aan aan horay loo arag ay maxkamada Yurub ku gaadhay in dadku ay xaq uleyhiin in la iloobi.

Iloobitaankaas waxaa weeye in qofku uu shirkada Google ka codsan karo in ay tirtirto macluumaadka aan isaga ku haboonayn ama wakhtigoodii lasoo dhaafay.

Google waxaa ay sheegtay in ay codsi kaste oo lagu dalbanayo in xog la tirtiro ay qiimayn dooto ayna miisaami doonto si iyadana loo ilaaliyo xogta mushtamacu ay u leeyihiin in ay ogaadan xogta iyo xaqa warfaafinta.