Muhaajiriin badan oo Yurub galay

Image caption Soogalooti Afrikan ah

BBC-da ayaa ogaatay in ay sii kordhaysay tirada dadka soogalaootiga ah ee doonaya in ay gaaraan ama galaan qaaradda Yurub bilooyinkii ugu dambeeyay.

Sare u kaca tirada dadka soogalootiga ah ayaa bilowday bilihii ugu dambeeyay sanadka 2013-ka, waana ay sii kordeysay tan iyo xilligaasi.

Sida ay sheegtay hay’adda midowga Yurub u qaabilsan xuduudaha ee Frontex, 42 kun oo soo galooti ah ayaa si sharci darro ah kusoo galay Yurub afartii bilood ee sanadkan ugu horeysay.

Dadkaasi ayaa intooda badan naftooda kusoo biimeeyay badda u dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga.

Arbacadii lasoo dhaafay, dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in tirada muhaajiriinta ee soo gaartay sanadkan ay kor u dhaaftay 39 kun oo qof.

Ku xigeenka madaxa hay’adda Frontex, Gil Arias Fernandez, ayaa sheegay in tirada muhaajiriinta ay sii kordhi karto bilaha soo socda.

Waxbadan ayaa waxa ay ku xiran yihiin xaallada siyaasadeed iyo tan ammaan ee dalka Libya, halkaasi oo lagu soo warramayo in ay ku sugan yihiin dad ka badan 3 kun oo muhaajiriin ah, kuwaasi oo doonaya in ay Yurub gaaraan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan