Taliyayaal ka goostay dowladda S Sudan

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mucaaradka dalka South Sudan ee daacadda u ah Riek Machar

Qalalaasaha Siyaasadeed ee koofurta Sudan ayaa aad u sii xumaanaya, iyadoo taliyayaal ciidan oo ka goostay meleteriga ay kubiireen mucaaradka.

Taliyaha qeybta lixaad ee ciidamada Meleteriga Dau Aturjong iyo lix sarkaal oo kale, iyo xubno sarsare ayaa ka goostay dowladda Salva Kiir waxayna ku biireen mucaaradka uu hogaaminayo madaxweyne kuxigeenkii hore ee Dr Riek Machar.

Aturjong oo ka mid ahaa Taliyayaasha ugu sareeyay Meleteriga dowladda maamulka hayso ayaa sheegay in Mr Kiir uu la wareegay awoodii la doonayay in lagu hormariyo nolosha dadka South Sudan.

Waxa uu ku eedeeyay Madaxweynaha inuu baahiyay naceybka qowmiyadda uu ka soo jeedo Machar ee Nuer, wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah looga qaado awoodda.

Waxa uu si cad oo furan ugu sheegay inay diyaar u yihiin inay ciidamada la wareegaan ayna soo celiyaan dimuquraadiyadda iyo kala dambeynta dalka caalamka ugu da’da yar.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Hay'adaha gargaarka ayaa horey u sheegay in South Sudan ay ka jirto cunto yari iyo macluul

Aturjong ayaa maamulka hadda ku eedeeyay dil wadareed ka dhacay magaalada Juba iyo gobolada kale ee dalka “si ay u helaan taageerada caalamka.”

Asiga oo ay wehliyeen taliyayaal iyo xubno kale oo ka soo jeeda qowmiyadda madaxweynaha ee Dinka oo horey ugu biiray mucaaradka, waxay ay sheegeen in wadahadalada nabadda ee Itoobiya ka socdo inaysan noqon karin miro dhal iyadoo dowladda dhinaceeda aysan ka go’neyn meelmarinta heshiiskii xabad joojinta ee horey “loogu qasbay inay saxiixaan”.

Dr. Machar oo ku sugan magaalada Nairobi tani iyo maalintii arbacada weli waxa uu kulmo la leeyahay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, inkastoo horey loogu dhawaaqay in labada hogaamiye ee mucaaradka iyo dowladda South Sudan ay ku kulmayaan Nairobi.