Xiisad ka aloosan Wajeer kaddib dilka 12 ruux

Wajeer Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidammada Kenya ayaa lagu eedeeyay in aysan qaadin tallaabo ku filan oo wax looga qabanaya amni darrida degaankaas.

Ugu yaraan 12 ruux ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday magaalo ka tirsan degaanka Wajeer, ee gobolka woqooyi bari Kenya.

Guddoomiyaha laga soo doortay degaanka Wajeer Axmed Cabdullahi ayaa sheegay in dablayda weerarka gaysatay ay xirnaayeen lebis militeri “oo laga leeyahay dowladaha deriska ah”.

Mudanayaasha baarlamaanka ee laga soo doorta Wajeer ayaa ku baaqay inuu is casilo wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya, oo ay sheegeen inuu ku fashilmay sugidda amaanka degaankaas.

Waxaa degaannada Wajeer iyo Mandera ka jiray dagaallo qaab qabiil ah oo dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay ay ku dhinteen ugu yaraan 20 ruux.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay militariga gayn doonto halkaas, si ay wax uga qabtaan dagaallada qabiilka ku dhisan ee halkaas ka aloosan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan