Afghanistan: 12 shacab ah oo la dilay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Askari taagan meel qarax ka dhacay

Bambaano la dhigay wado hareerteed ayay ku dhinteen labo iyo toban qof, qaraxaasi waxaa uu ka dhacay bariga wadanka afghanistan.

Sarkaal u hadlay dawladda waxaa uu sheegay in dhamaan dadka wax ku noqday qaraxaasi ay ahaayeen shacab ku safrayay bas yar oo u socday aroos. Qaraxaasi waxaa uu ka dhacay gobolka Ghazni.