Mutharika waa madaxweynaha Malawi

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Peter Mutharika, Madaxweynaha cusub ee Malawi

Gudiga doorashada ee dalka Malawa ayaa ku dhawaaqay in hoggaamiyaha mucaaradka, horayna u ahaa wasiirka arrimaha dibada, Peter Mutharika, uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee la qabtay 10 cisho ka hor.

Mr Mutharika ayaa waxa ay walaalo yihiin Madaxweynihii hore ee dalkaasi ka geeriyooday, Bingu wa Mutharika.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in Peter Mutharika, oo hoggaamiya xisbiga Democratic Progressive Party (DPP), uu helay tiro waxyar un ka koreysay boqolkiiba 36 codadkii la dhiibtay.

Madaxweynaha hadda haysa xilka Joyce Banda, ayaa gashay kaalinta saddexaad.

Gudiga ayaa shaaciyay doorashada ka hor saqdii dhexe ee xalay, xilligaasi oo ahaa kama dambeysta ay u qabatay maxkamada sare ee dalkaasi.

Gudiga doorashada ayaa mar sii horeysay sheegay in uu dib u dhigayo shaacinta natiijada, si uu u xaqiijiyo wax isdaba marin la sheegay.

Haweeneyda dalkaa xukunka ayaa sheegtay in cod bixinta lagu shubtay.

Waxaa jiray dibad baxyo lagu dalbanayay in dib loo tiriyo codadka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan