Pakistan: 16 dablay ah oo la dilay

Lahaanshaha sawirka
Image caption Diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah oo Pakistan ay leedahay

Saraakiisha Pakistan waxaa ay sheegeen in ay dileen ugu yaraan lix iyo toban malayshiyo ah kadib markii ay soo weerareen baro kontorool oo u dhaw xadka ay Afghanistan la wadaagaan.

Sargaal sare oo u hadlay Militariga Pakistaan waxaa uu sheegay in tiro malayshiyo ah oo hubaysan ay soo galeen degmada Bajuar ee qabaailku ay ku xoog badan yihiin iyaga oo kasoo galay dhanka Afghanistan halkaas oo ay ku dileen hal askari kuna dhaawaceen labo kale.

Ciidamada Pakistan ayaa weerar jawaab celin ah ku qaaday iyaga oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca oo ay ku rakiban yihiin hubka darandooriga u dhaca.