Taliban iyo Maraykan oo daayay maxaabiis

Askari Maraykanka ayaa waxaa sii daayay kooxda Taliban ee Afghanistan isagoo la geyn doono isbitaal ku yaal Jarmalka.

Bowe Berghdal, oo la qabtay ku dhawaad shan sano ka hor, ayaa waxaa lagu badelay sii daynta shan taliban oo madax ahaa oo Maraykanka ku hayay xabsiga Guatanamo Bay.

Waxaa la gayn doonaa madaxda taliban Qadar oo dhexdhexaadisay Maraykanka iyo Taliban.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in dowladda Qadar ay siisay balanqaad in ammaanka Maraykanka aysan qatar galinayn sii daynta maxaabiista Taliban.