Afghanistan oo aan ku qancin maxaabiista la daayay

Dowladda Afghanistan ayaa ka xanaaqday heshiiska uu la galay Maraykanka Taliban ee lagu soo daayay madax Taliban.

Maxaabiista oo ku xirnaa Guantanamo Bay, ayaa loo dhiibay Qadar iyadoo lagu badalay askari Maraykan ah oo Taliban ay haysteen.

Afghanistan ayaa sheegtay dhiibista maxaabiis ee waddan kale inay jabinayso sharciga caalamiga.

Horaantii madaxa Taliban, Mullah Omar ayaa ku tilmaamay sii daynta maxaabiista Taliban guul.

Xoghayaha gaashaandhiga ee Maraykanka , Chuck Hagel ayaa difaacay heshiiska, isagoo sheegay inay ahayd in dhaqso tallaabo loo qaado sababtoo ah qatar ayuu ku jiray askariga.