Tuulo loo samaynayo musqul guri walba

Lahaanshaha sawirka 1
Image caption Musqulaha magaalooyinka.

Sulabh International, oo ah hayad gargaar ee dalka Hindiya ayaa ku dhawaaqday inay u dhisayso musqul guri walba oo ku yaalla tuulo dhawaan lagu xoogay gabdho kadibna la dilay.

Hayadda oo shaqadeedu tahay nadaafada, ayaa sheegtay inay go'aanka gaartay sababtoo ah musqul la'aan darteed in danbiyo ay dhacaan.

labada gabdhood oo dhawaan lagu xoogay tuulada kadibna la dilay ayaa musqul duurka u aaday.

Hayadda caafimaadka adduunka WHO, ayaa sheegtay in in kabadan lix boqol oo milyan oo qof dalka Hindiya inay musqul la'aan yihiin.