Hirgalinta sharciga sigaar cabida Ruushka

Image caption Dadka Ruushka ayaa aad u caba sigaarka

Mamnuucida sigaar cabida goobaha bulshada ayaa sharci noqotay Ruushka. Sigaarka ayaa laga mamnuucay maqaayadaha iyo baararka.

Waxaa horay looga mamnuucay xafiisyada dowlada, iskuulaadka, isbitaalada iyo in la xayeesiiyo sigaarka.

Ruushka ayaa kamid ah dadka ugu sigaar cabka badan adduunka, dowladdana waxay rajaynaysaa dadka inay joojiyan sigaarka, caafimaadkana uu wanaagsanaado.

Dadka iska leh maqaayadaha iyo baararka ayaa ka cabsi qaba inay waayaan macaamiil badan.