Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaaliya: Waraysi Wasiirka batroolka iyo macdanta

Shir looga hadli lahaa shidaalka oo lagu wadey in horaanta bishaan uu ka dhaco London ayaa dowladda Soomaaliya ay ka baaqatay. Maanta guddiga batroolka iyo macdanta ee baarlamaanka ayaa kulan la yeeshay Wasiirka batroolka iyo macdanta ee dowladda federalka Soomaaliya.

Arrimahan ayaa waxay dhacayaan iyadoo lasheegayo in uu meelo badan oo Soomaliya ka mid ah ay shirkado bilaabeen in ay baaritaano hor dhac ah ka sameeyaa.

Arrimahaas iyo xaaladda batroolka Soomaaliya ayaa wariyaha BBC ee Nairobi Yusuf Xasan, uu ka waraystay Daa'uud Maxamed Cumar oo ah Wasiirka batroolka iyo macdanta ee Soomaaliya.