Sudan oo beenisay siidaynta Maryam

Image caption Maryam iyo labadeeda carruur.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sudan ayaa beeniyay in la siidaynayo gabar lagu xukumay dil kadib markii ay islaamka ay ka baxday.

Hadal uu soo saaray ayuu ku sheegay in arrinta ay u taallo maxkamadda.

Maryam Ibraahin ayaa lagu hayaa xabsi ay ku dhashay gabar Talaadadii hore. Ninkeeda Daniel Wani, ayaa sheegay inuusan helin war ku saabsan in la sii daynayo uuna sugayo racfaan uu gudbiyay qareenkeeda.

Mr Wani oo ah Kiristaan iyo xaaskiisa ayaa waxaa kaloo lagu xukumay boqol karbaash, iyadoo guurka qof aan muslin ahayn aan la aqoonsanayn sharciga Sudan.