Xiisad ka dhalatay "culamo" la dilay

War deg deg ah Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Xiisad ayaa ka aloosan Magaalada Mandera ee gobolka woqooyi-bari Kenya kaddib markii halkaas lagu dilay labo nin oo ka mid ahaa "culamada magaalada".

Dadweyne caraysan ayaa xiray waddooyinka iyagoo dowladda ku eedeynayo inay bartilmaameedsatay culamada.

Boliiska Kenya ayaa sheegay in labada nin ay ka tirsanaayeen ururka Al-Shabaab.

Labo toddobaad ka hor, ayaa ururka Al-Shabaab weerar ay ku soo qaadeen agagaarka magaalada Mandera, waxay ku dileen dhowr askari oo ka tirsan boliiska Kenya.

Waxay sidoo kale la tageen dhowr baabuur oo laga lahaa dhanka Kenya.