Madaxweynaha Malawi oo xilka la wareegaya

Image caption Madaxweynaha xilka ka dagaysa Joyce Banda.

Madaxweynaha Malawi ee cusub ayaa xilka la wareegaya maanta, kadib doorasho lagu murmay.

Peter Mutharika, ayaa ku guulaystay doorashada madaxweynenimada bishii hore, isagoo helay in kabadan soddon iyo lix boqolkiiba codadka, iyadoo ay jireen eedeymo inay dhaceen cod ku shubasho.

Madaxweynaha xilka ka dagaaya, Joyce Banda, ayaa gashay kaalinta saddexaad.

Madax Afrikaan ah ayaa la filayaa inay ka qaybgalaan xaflada oo ay ka mid yihiin Koonfur Afrika, Zimbabwe iyo Lesotho.

Xafladda ayaa ka dhacaysa Kamuzu stadium ee magaalada Blantyre.