Qarax dhacay waqooyi bari Nigeria

Mas'uuliyiinta waddanka Nigeria ayaa sheegay in ay 14 qof ku dhinteen weerar bambaano oo fiidnimadii Axadda ka dhacay magaalada Mubi ee ku taalla waqooyi bari ee dalkaasi.

Inkastoo aanay weli caddeyn cidda weerarkaasi geysatay, ayaa haddana dowladda Nigeria waxa ay ka shakisan tahay kooxda Boko Xaraam oo weerarro isxigxigay dhawaantan ka geysatay dalkaasi, weerarraadaasi oo galaaftay nolosha dad badan.

Kooxda ayaa weli waxa ay haystaan in ka badan 200 oo gobdho iskuuleey ah oo ay ka afduubteen iskuulkii ay dhiganayeen muddo 7 todobaad ka hor ah.

Booko Xaraam ayaa weli wadda weerarrada aan kala go'a laheyn ee ay ku qaado tuulooyinka aanay cidna difaacin ee Nigeria.

Weerarro ay dad badan ku dhinteen ayaa ka dhacayay deegaanada baadiyaha ee waqooyi bari Nigeria, weeraradaas oo noqday kuwo maalin walba dhaca.

Tuulooyinka ayaa laga cararay iskuulaadkiina waa eber oo arday ma ay joogto, sababtuna waa weerrarada ay qaado kooxda Boko Xaraam.

Qeybo ka mid ah waqooyiga Nigeria ayaa nabad ah, sida magaalada Kano, oo laga sameeyey dadaal lagu joojinayo salka ama raadka mishkiladda.

Waxaa lagu qiyaasaa in ilaa iyo 7 milyan oo carruur ah oo ku nool waqooyiga Nigeria aanay helin waxbarasho rasmi ah oo dhaafsiisan dugsiyada lagu barto Qur'aan-ka Kariimka.

Dowladda Britain iyo deeqbixiyayaasha kale ee caalamiga ah ayaa kala shaqaynaya maamulka Nigeria in malcamadaha ama dugsiyada Qur'aanka ay bixiyaan waxbarasho kale oo maadi ah.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan