Israel oo weerartay Qasa

Diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa weerar ku qaaday Qasa, kadib markii mintidiin falastiiniyiin ay dabaabaad ku rideen Israel.

Weerarka Israel ayaa dhacay, saacado ka hor intaan dowladda cusub ee Falastiiniyiinta ee isbahaysiga xilka la wareegin magaalada Ramallah.

Dowladda ayaa waxaa u badan xisbiga Fatax, laakiin Xamaas ayaa ka mid ah dowladda kadib markii heshiis ay saxiixeen bishii April.

Shalay, Ra'iisalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, ayaa ka digay inaan lagu degdegin aqoonsiga dowladda cusub ee Falastiiniyiinta.