Dhaarinta dowladda Falastiiniyiinta

Lahaanshaha sawirka AFP

Dowladda cusub ee isbahaysiga ee Falastiiniyiinta ayaa lagu dhaariyay Ramallah.

Dowladda cusub, ayaa ah tallaabada koowaad ee lagu dhamaynayo dagaalka u dhaxeeya labada xisbi ee Falastiiniyiinta ee Fatax iyo Xamaas.

Toddobadii sanno ee la soo dhaafay Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas, ayaa xukumay Daanta Galbeed, halka Xamaas ay maamulaysay Qasa.

Heshiiska ayaa jidka u xaaraya doorasho cusub lixda bilood ee soo socota.