Qadar oo la kulmaysa FIFA

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qadar ayaa ku guulaysatay martigalinta ciyaaraha kubada aduunka ee 2022

Qaban-qaabiyeyaashii dalka Qadar ee Koobka Adduunka, ayaa la kulmaya maanta Michael Garcia, oo ah baare ka socda FIFA.

Waxaa kulankoodu daba socdaa baaqyo ah in Qadar lagala noqdo codkii ay ku mutaysatay marti galinta ciyaaraha adduunka ee 2022.

Wargayska, The Sunday Times, ayaa ku warramay in malaayin doolar la siiyay qaar ka mid ah saraakiisha FIFA, si ay codkooda u siiyaan Qadar oo ay u marti galiso ciyaaraha Adduunka.

Madaxwayne ku xigeenka Hay'adda maamusha ciyaarada kubadda cagta ee adduunka FIFA, ayaa sheegtay in uu doorbidi lahaa in lagu celiyo tartanka wadanka qabanaya ciyaaraha adduunka ee 2022 hadii la cadeeyo in wadanka Qadar habkii uu ku helay ay wax is daba marin ay salka ku haysay.