Dagaalo ka dhacay gobolka Bakool

Lahaanshaha sawirka Reuters

Wararka ka imanaya deegaanka Aato ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in shalay galinkii dambe uu halkaa ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidammada dowladda iyo kooxda Al-shabaab.

Warar kala duwan ayaa ilaa iyo xalay ka soo baxayay dagaalka, sida dadka deegaanka ay sheegayaana ilaa 25 qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah ay dagaalkaasi ku dhintay.

Ciidanka dowladda oo gacan ka helayay ciidammada Liyuu Boolis oo ka soo gudbay dhinaca Itoobiya ayaa sheegaya inay Al-shabaab ka qabsadeen deegaano dhowr ah ayna ka dileen ilaa 50 askari.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa iyana sheegatay inay ka guulaysteen ciidammada dowladda oo ay dharbaaxo weyn gaarsiiyeen.

Ma ay jirto cidd madax banaan oo wararkaasi xaqiijinaysa.

Deegaanka Aato ayaa dhawaan waxaa weerarray kooxda Al-shabaab waxaana halkaasi lagu dilay ciidan ka badan 20 oo ah kuwa dowladda.

Wararka dagaalka Aato ku saabsan wixii ka soo kordha waxaad kala socon kartaan idaacadahayaga soo socda iyo weliba boggeenan BBCsomali.com

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan