Malaayiin loo diiday daawada xannuunka

Image caption Dad badan ayaan helin daawada xannuunka dunida seddaxaad

Khuburada caafimaadka ayaa sheegtay in la'aanta dawada xannuunka la dagaalanta ee la siiyo bukaanada ay tahay xaalad laga walwalo.

Qiyaaso soo baxay, ayaa muujinaya in ku dhawaad 18 milyan, oo qof oo ku nool waddamada soo koraya ay u dhinteen xannuuno lala dagaalami karay sanaddii 2012-ka oo kaliya.

Waddanka Itoobiya, tusaale ahaan, waxaa la sheegayaa in bukaanada qaba cudurka kansarka ay isu dhigaan gawaarida si ay uga baxsadaan xannuunka oo waxa ay door-bidaan geerida.

Qabatiimo

Lahaanshaha sawirka none
Image caption Dad baa qaba in dawada xannuunka la qabatimi kara

Dawaladaha waddamada soo korayo ayaa lagu eedeeyaa in aysan siin bukaanda xanuun baab'iyaasha ay u baahan yihiin, sida Morphine.

Sababta waxaa lagu sheegay iyadoo laga casbi qabo in bukaanada ay qabatimaan dawada.

Bishii aan soo dhaafnay, saraakiisha caafimaadka in ka badan laba boqol oo waddan, ayaa ku kulmay xarunta QM, waxa ayna ballan-qaadeen in la dagaalanka xannuunka ay mudnaan sare siin doonaan.

Daawo la'aan

Image caption Bukaan la siinaya xannuun baab'iyo

Uganda Waxay ka mid tahay waddamada Qaarada Afrika hormarka ka gaaray arrimaha dhinaca soo saarka xannuun baab'iyaha. Waddanka waxa uu soo saraa kaniiniga xanuun baab'iyaha afka laga qaato ee Morphine, Waxaana si jaban looga helaa suuqyada.

Balse waddamo badan oo ka mid ah kuwa soo koraya waxaa ku yar dawada xanuun baab'iso. Waddamada qaar sida Afghanistan iyo Libya ayaa ka mid ah waddamada aan aadka looga helin dawadan

Waddanka Pakistan, in kabadan 350,000 qof ayaa u baahatay in cudurkooda lagu maareeyoo xanuun baab'iyo sanaddii 2012-ka balse kaliya 300 oo bukaan ayaa daryeelkaas heshay, sida ku qoran qiyaaso ay BBC-da aragtay.

Waddanka Austria ayaa nqoday waddanka ugu fiican ee bukaanda siiya dawadan. Waddanka UK 97% dadkii u baahday in xanuunka laga koontaroola weey heleen daawadii ay u baahnaayeen sanaddii 2012-ka.