Hargeysa: Koranto dabayl laga dhaliyay

Lahaanshaha sawirka n
Image caption Korontada dabaysha laga dhaliya ayaa muhiim u ah dadka reer Hargeysa

muhiim u ah dadMarkii ugu horreysay koranto laga dhaliyay dabaysha marwaaxadaha waaweyn ayaa lagu rakibay garoonka caalamiga ee Cigaal ee Magaalada Hargeysa .

Mashruucan ayaa waxaa si rasmi ah xarigga uga jaray madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Wasiirkiisa tamarta iyo macdanta Somaliland Inj: Xuseen Cabdi Ducaale ayaa BBC u sheegay in korantada laga dhaliyay daybaysha ay ku filnaan doonto madaarka Hargeysa oo haatan lagu rakibay.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in korontadani ay dhawaan ka faa'iideysan doonaan xaafadaha u dhow madaarka Hargeysa.

Wasiirka waxa kale oo uu sheegay in mashruucan ay maalgelisay Hay'adda kaalmada dibadda ee Mareykanka ee USAID, iyadoo buu yiri ay gobollada kale mashruucan xagga tamarta ah ku fidin doonaan.

Korantada ayaa qaali ku ah dadweynaha Hargeysa iyo guud ahaan Somaliland, iyada oo hal beegga cabbirka ugu yar uu hal dollar yahay, halka qaybaha qaar ee caalamka ay intaasi aad uga yartahay.

Wasiirka tamarta iyo macdanta waxa uu intaa ku daray in ay haatan dedaal ugu jiraan sidii loo soo saari lahaa dhuxul dhagaxda, loona badin lahaa korontada cadceedda laga dhaliyo si looga maarmo korantada ku shaqeysa shidaalka, isla maarkaana deegaanka loo badbaadiyo oo dhirta la jaraayo ee dhuxusha wax lagu karsanaayo laga sameeyo looga maarmo.