Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qorshaha AU ee Soomaaliya

Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxammed Saalax Al Nadiif ayaa wareysi uu siiyey BBC-da waxa uu ka warbixiyey howlgallada AMISOM ee soomaaliya.

Waxa uu sheegay in guulo ay ka soo hooyeen ciidamadoodu meelo badan hasa yeeshee ay jiraan dhibaatooyin badan oo haatan taagan.

Yusuf Hassan ayaa Danjiraha ku wareystay khadka tilifoonka isagoo ku sugan magaalada Muqdisho. Ugu horeyntiina waxaa uu weydiiyey go'doonka la sheegay in la galiyey ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalooyinkii dhawaan lagala wareegay Shabaab.