Raila Odinga oo xaafadda Islii booqday

Raila Odinga Lahaanshaha sawirka other
Image caption Hogaamiyaha mucaaradka Kenya ayaa billaabay olole ka dhan ah dowladda

Hoggaamiyaha mucaaradka ee Kenya Raila Odinga ayaa maanta booqday xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Waxaa waddooyinka xaafadda isugu soo baxay kumanaan ruux oo dhagaysanayay khudbadda Raila.

Waxaa xaafadda muddo labo bilood ka badan ka socdo howlgallo ay dowladdu sheegtay inay doonayso inay ku sugto ammaanka.

Raila ayaa sheegay inuu ka xun yahay dhibaatada ku dhacday dadka Soomaalida ee xaafadda Isli.

Hoggaamiyaha mucaaradka ayaa sheegay in sugidda ammaanka ay tahay howl u taalla dowladda.

Raila ayaa dib ugu soo noqday dalka kaddib muddo saddex bilood ah oo uu Maraykanka ku maqnaa.

Isbahaysiga mucaaradka ee uu hoggaamiyo Raila ayaa billaabay olole ka dhan ah dowladda oo ay sheegeen inay ku fashilantay inay gudato howshii loo soo doortay.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan