UN oo ka digtay xaallada Soomaaliya

Image caption Valeria Amos

Valeria Amos, madaxa gar gaarka ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in tan iyo markii la sameeyay dawladda federalka ee Soomaaliya sanadkii 2012-ka, dadaalka loogaley wax ka qabashada ammaanka aanay wax badan kabedelin noolasha dadka caadiga ah.

Waxa ay tilmamtay in hal ka mid ah 7-dii caruur ahba ay dhintaan iyaga oo aanan gaarin hal sano, iyadoo hal ka mid ah 3-dii caruur ahba ay helaan biya nadiif ah.

Amos ayaa intaa kudartey in 857,000 oo qof ay ubaahan yihin gargaar deg deg ah, halka 2 milyan oo qof ay qarka u saaranyihiin cunno yari, iyadoo 1 milyan oo kalana ay u qaxayaan dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Xeeladda Al-Shabaab ee ah in ay go’doomiyaan magaalooyinka ay qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa midowga afrika ayaa waxa ay hakisay gargaarkii la gaarsiin lahaa dadka baahan.

Go’doominta Al-Shabaab ay sameysay ayaa sidoo kale kordisay qiimaha cuntada.

Valeria Amos ayaa sidoo kale sheegtay in la helay boqolkiiba 19 lacagtii gargaarka Soomaaliya ee sanadkaan laga codsaday beesha caalamka.

Waxa ay ka digtay khatar ah in ay meesha ka bixi karto guusha la gaaray sanadkaa la soo daafay, islamarkaana adeegyo muhim ah la jari karo.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan