Xuska duullaankii Normandy

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Ciidammadii ka dagay xeebaha Normandy

Waxaa ka socda Waqooyiga Faransiiska xuska sanad-guuradii 70-aad ee kasoo wareegtay duulaankii qeybta ka ahaa dagaalkii labaad ee dunidda, oo ay ciidammadii huwanta ahaa ee uu Ingiriiska horkacayay ku qaadeen xeebaha Normandy ee dalka Faransiiska.

Waxaa duullaankaasi oo ay askar badani ku dhinteen, uu ciidammadii huwanta ahaa u sahlay in ay Nazi-gii Jarmalka ka qabsadaan dhulkii ay ka haysteen qaaradda Yurub.

Waxaa xuska maanta ka qeybgalaya madaxda 17 dal iyo boqolaal askari oo dagaalkaasi ka qeyb qaadatay. Waxaa marti sharaftaasi ka mid ah boqorada Britain, Queen Elizabeth.

Madaxweynaha Mareykanka Barrack Obama oo munaasabada ka hadlay, ayaa duullaankaasi ku tilmaamay mid qaabeeyay ammaanka caalamka.

Duullaankaasi oo lagu tilmaamay kii ugu weynaa dhanka badda inta la xasuusto, ayaa dhacay 6-dii bishii June 1944.