Amiirka Kano oo geeriyooday

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Amiirka Kano ee geeriyooday

Waxaa la shaaciyay in uu geeriyooday Amiirka Kano ee dalka Nigeria, Alhaji Ado Bayero oo 83 jir ahaa, kadib markii uu mudo xanuunsanayay.

Amiirka ayaa ah mid leh awood badan, gaar ahaan marka laga hadlayo xeer dhaqameedka Waqooyiga Nigeria.

Waxaa uu xilka amiirnimada qabtay sanadkii 1963-dii.

Laba sano ka hor, waxaa uu amiirka geeriyooday ka badbaaday isku day dil, kadib markii la wareeraray kolonyo uu ku safrayay.

Waxaa weerarkaasi oo ay ku dhinteen darawal iyo laba ka tirsanaa ilaaladii amiirka, looga shakiyay in ay ka dambeysay kooxda Boko Xaram.

Boko Xaram ayaa diidan odoyaasha dhaqanka, waxaana todobaadkii lasoo dhaafay ay kooxdu dishay amiirkii Gwoza.