Beyle: Ammaanka ayaa ka horreeya celinta qaxootiga

Islii
Image caption Kenya ayaa holwgal ka waddo xaafadda Islii ee Nairobi

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in haatan ay qorsheynayso in ay la fariisato mas'uuliyiinta Kenya, si ay uga wada hadlaan qaxootiga dib loogu celinayo Soomaaliya.

Arrintan ayaa timid kaddib markii ay dowladda Soomaaliya toddobaadkii la soo dhaafay qaadacday shir saddex geesood ahaa oo dhexmari lahaa Soomaaliya, Kenya iyo hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, oo BBCda la hadlay, ayaa sheegay, in ay qasab tahay in la xaqiijiyo ammaanka ka hor inta aanan qaxootiga dib loogu celin Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in ciidammada AMISOM ee 22,000 ah, oo uu sheegay inay tahay tiro badan, aysan weli xasilooni ku soo dabbaalin magaalooyinka oo dhan.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa horey dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay magaalooyinka dhawaantan la xoreeyay ay u magacawda maamullo ay dadka degaanka raali ka yihiin.

Amb Maxamad Saalix Anadif ayaa sidoo kale Soomaalida ugu baaqay inay joojiyaan khilaafaadka yaryarka ee siyaasadda.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan