Dhowr iyo toban oo burcadeeddu sii daysay

Burcad badeed Soomaaliyeed Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Burcad badeed Soomaaliyeed

Kow iyo toban badmaax oo lagu qabsaday markab Malaysia laga leeyahay oo ay burcad badeed Soomaali ah afduubeen ayaa la sii daayay kadib markii in ka badan sadex sano la haystay.

Badmaaxayaasha ayaa u kala dhashay Koonfurta Asia iyo Iran, waxaana ay saarnaayeen markabka qaada Konteenarada oo la yiraahdo M.V. Albedo, mar laga afduubayay kun iyo shan boqol oo kiilomitir meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya.

Faahfaahinta ku saabsan qaabka loo sii daayay lama shaacin, balse wakiilka xoghayaha guud ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sheegay in Kenya loo qaaday markii la sii daayay kadib.

Todobo ka mid ah shaqaalaha markabka ayaa laba sano ka hor la sii daayay markii lacag madaxfurasho la bixiyay, lix kalena way dhinteen.

Mid ka mid ah waa la toogtay halka qaar kalena ay badda ayaa liqday markii markabka uu quusay sanadkii hore xilli ay duufaan jirtay.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaasaysa in afartan qof ay wali haystaan burcad badeeda Soomaalida, markii ay ugu badnaayeen burcad badeeda Soomaalidu waxay qafaasheen oo gacantooda ku jiray in ka badan todoba boqol oo shaqaale markab ah iyo in ka badan sodon markab.