Al Sisi oo la dhaariyay

Image caption Cabdulfatax Al Sisi ayaa ahaa madaxii ciidanka oo xukunka ka riday Maxamed Morsi.

Cabdul-Fatax al Sisi ayaa loo dhaariyay inuu yahay madaxweynaha cusub ee Masar xaflad wayn oo lagu qabtay maxkamadda dastuurka ee ku taal Qaahira.

Wasiiro, hogaamiye diimeed iyo siyaasiyiin ayaa goobjoog ahaa.

Xafladda ayaa ku bilaabatay heesta calanka iyo Quraanka kariimka. Madaxweynaha ayaa loo ridi doonaa labaatan iyo kow qori oo salaan ah.

Mr Sisi, oo ahaa madaxa ciidanka ayaa ku guulaystay doorashada bishii hore boqolkiiba sagaashan iyo toddobo. Mucaaradka ayaa cunaqabateeyeen doorashada, tirada codbixintana waxay ahayd in ka yar konton boqolkiiba.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay. Mr Sisi ayaa xukunka ka riday Maxamed Morsi sanadkii hore.

Xisbiga Akhwaan Muslimiin ayaa tan iyo markaas la mamnuucay, hogaamiyayaashoodana la xiray.

Hogaamiyayaasha Masar iyo caalamka ayaa ka qayb gali doona xaflad lagu qaban doono guriga madaxweynaha ee Al-lttihadiyah.