Qarax ka dhacay Nigeria

Qof dumar ah ayaa isku qarxisay saldhig milatari Waqooyi Bari Nigeria iyadoo dishay askari mid kalena dhaawacday.

Sarkaal milatari ayaa BBC u sheegay in qofka dumarka oo xirnaa xijaab ay wadatay moto markay timid gobolka Gombe.

Waxay qarxisay bambaanada markiii askariga uu su'aalo waydiinayay.

Wariyaha BBCda ee gobolka ayaa sheegaya in dumar is qarxiya ay ku yar yihiin Nigeria. Wali qofna ma sheegan inay qaadeen weerarka, laakiin Boko Xaraam ayaa weerar ku qaaday boliiska iyo ciidamada Nigeria.