Weerar lagu qaaday garoonka Karachi

Niman hubaysan ayaa weeraray garoonka diyaaradaha ee Karachi ee koonfurta Pakistan. Dadka weerarka qaaday ayaa xabado ku furay ilaalada.

Sawirro laga arkay TVga ayaa muujinaya holac ka imanaya dhismayaasha mid ka mid ah.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan shan qof ay dhinteen. Dad ka tirsan rakaabka iyo shaqaale ayaa lagu soo waramayaa in ay ku xayiran yihiin gudaha garoonka.

Boliis iyo askar ayaa ku hareeraysan garoonka. Duulimaadyadiii ayaa loo leexiyay garoonada kale.