Burcad daysay shaqaale markab

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Burcadda Soomaalida

Kow iyo toban qof oo ka mid ahaa shaqaalihii markab laga leeyahay Maleeshiya ayaa waxaa soo daayay burcadda Soomaalida kadib in kabadan saddex sanno oo ay haysteen.

Shaqaalaha markabka oo ka yimid Koofurta Asiya iyo Iran ayaa saarnaa markab xamuul ee MV Albedo, markii laga afduubay 900 miles meel u jira xeebta Soomaaliya November 2010kii.

Wali Lama oga sida loo siii daayay shaqaalaha.

Waxaa loo qaaday dalka Kenya sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Toddobo kamid ah shaqaalaha ayaa la soo daayay laba sanno ka hor markii lacag la bixiyay. lix kale ayaa dhintay.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaasaysa in afartan qof ay wali hayaan burcadda.

Markii ay weerarka burcadda aad u badnayd saddex sanno ka hor, burcadda ayaa haystay in kabadan 700 oo shaqaale markab iyo in kabadan soddon markab.