Hubka kiimikada Suuriya oo la qaadayo

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Maraakiib caalami ah ayaa ka qayb qaadanaysa qaadista hubka kiimikada ee Suuriya.

Markab xamuul ee dalka Norway oo ka qayb qaadanaya howlgalka caalamiga ee looga saarayo hubka kiimikada Suuriya, ayaa socdaalay isagoo u socda Finland ito Maraykanka.

Markabka ayaa sida xamuul hub kiimiko ah oo ay leedahay dowladda Suuriya.

Markab kale oo ay saaran tahay kiimiko halis ah oo ay ka mid yihiin Sarin, Mustardgas iyo VX ayaa ku xigi doona. Markab Danish ah ayaa ku sugaya banaanka biyaha Suuriya si loo qaado kiimikada ugu danbaysa.

Wariyaha BBC ayaa sheegay in ammaan dari darteed inay daahisay qaadista hubka.

Ururka ka hortaga hubka kiimikada, oo maamulaya howlgalka caalamiga ayaa sheegay inaysan ahayn suurtogal in lagu guulaysto burburinta dhamaan hubka kiimikada ee Suuriya.