Madaxweynaha Iran oo booqanaya Turkey

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweynaha Turkey Cabdalluh Gul oo soo dhaweeyay Madaxweynaha Iran Xasan Ruuxaani.

Madaxweynaha Iran Xasan Ruuxaani ayaa booqasho ku jooga magaalada Ankara ee dalka Turkey.

Booqashada ayaa ujeedadeedu tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ganacsi ee labada waddan, laakiin dagaalka Suuriya ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan madaxweyne Ruuxaani iyo Ra'iisalwasaare Recep Tayyip Erdogan.

Turkey ayaa taageerta mucaaradka Suuriya halka Iran ay taageerto Madaxweyne Bashar al Assad.