Ra'iisalwasaare Maiteg oo la diiday

Ra'iisalwasaaraha Libya Axmed Maiteeg ayaa sheegay inuu xushmaynayo go'aanka maxkamada sare ay gaartay ee ah in doorashadiisii bishii hore ay tahay mid ka soo horjeeda dastuurka.

Wuxuu u sheegay shir jiraa'id in ujeedadiisa ugu horaysa ay ahayd inuu dadka u shaqeeyo, laakiin go'aanka maxkamadda ay tahay guul samaynta sharciga Libya.

Ahmed Maiteeg ayaa la dhaariyay bishii hore kadib cod ay qaadeen baarlamaanka ku meel gaarka ah. Kadib gudoomiyaha ku meel gaarka ee baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay inay ahayd sharci daro sabatoo ah muran ka dhashay habka loo codeeyay