Taliban oo sheegatay weerarka Karachi

Image caption Garoonka diyaaradaha ee Karachi ayaa wali xiran weerarkii shalay kadib.

Talibaanka Pakistaan ayaa sheegay inay weerarka ku qaadeen garoonka diyaarada ee Karachi, halkaasoo ay ku dhinteen labaatan iyo siddeed qof oo ay ku jiraan toban mintidiin.

Weerarka oo bilaabmay Axadii habeenimo,markiii niman hubaysan ay soo weerareen meesha loo isticmaalo xamuulka iyo diyaaradaha gaarka loo leeyahay ayaa dhamaaday.

Masuuliyiinta ayaa sheegay inay garoonka la wareegeen subaxnimadii, laakiin ugu yaraan laba qarax ayaa la maqlay ciidamo dheeraad ahna waa la keenay.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in garoonka la furi doono saacadaha soo socda.