FIFA oo ka shiraysa eedaha la xiriira Qatar

Lahaanshaha sawirka AFP

Guddiga maamula kubadda cagta adduunka ee FIFA, ayaa maanta kulan ku yeelanaya magaalada Sao Paulo ee dalka Brazil si ay uga wada hadlaan eedo musuqmaasuq la xiriira oo hareeyay in dalka Qatar loo xusho martigalinta tartanka koobka adduunka ee sanadka 2022.

Kulanka ayaa ku soo beegmay maalin kadib Sepp Blatter oo ah madaxa FIFA uu ku eedeeyay warbaahinta Britain in ay falal midabtakoor ah in ay daabacaaan eedahan ugu dambeeyay.

Weriyayaasha ayaa sheegay in iyadoo dadka qaar ay leeyihiin FIFA way adag tahay in ay soo celiso sumcadeed hadii uusan xilka ka degin Mr Blatter, balse wali wuxuu taageero ka haystaa saraakiisha kubadda cagta adduunka.

Qatar ayaa beenisay wax qalad ah in ay samaysay intii uu socday tartanka martigalinta koobka adduunka ee 2022 oo Qatar ay ku guulaysatay.

Shan ka mid ah maalgaliyayaasha ugu waawayn ee FIFA ayaa ku baaqay in eedahan si dhab ah loo baaro.