Dawladda Ciraaq oo laga qabsaday Tikrit

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Tikrit waa Magaaladii uu ku dhashay Sadaam Xusee

Wararka ka imaanaya Ciraaq waxaa ay sheegayaan in dadka jihaad doonka ahi ay qabsadeen magaaladii labaad ee wayn mudo labo maalmoood gudahood ah.

kolonyo dagaalyahano ISIS ah ayaa la sheegay in ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Tikrik, magaaladaasi waa caasimada maamulka ee gobolka Salaxuddiin iyo sidoo kale magaaladii uu ku dhashay Sadaam Xuseen.

Ururka ISIS waxaa uu ka go'ay Al-qaacida waxaana uu sidoo kale ka dagaalamaa Suuriya.

Waxaa lagusooo waramayaa in ay sii daayeen boqolaal maxaabiis ah.

Isniin tii ISIS waxaa ay qabsadeen magaalada waqooyiga ku taala ee Muuwsil iyada oo ciidamadii iyo booliiskii ay isaga baxeen xeryahoodii.

Nusmilyan shacab ah ayaa ka qaxay magaaladaasi.

Rai'saalwasaare Nuuri al maaliki waxaa uu ku baaqay dadka Ciraaqiyiinta ah in ay is hubeeyaan oo ay dib ula dagaalamaan dadka soo weeraray.