Colaadda South Sudan oo laga heshiiyay

  • 11 Juunyo 2014
Salka Kiir iyo Riek Machar Lahaanshaha sawirka
Image caption Hoggaamiyayaasha South Sudan ayaa Addis Ababa heshiis ku gaaray

Itoobiya ayaa sheegaysa in dowladda iyo Mucaaradka dalka Koonfurta Suudaan ay ku heshiisyeen in ay soo afjaraan colaadda isla markaana ay dhisaan dowlad ku meel gaar ah muddo laba bilood gudahood.

Urur goboleedka IGAD oo dhex dhexaadinayay colaadda dalkaasi ayaa ka digay in uu xoog ku dhaqan gelin doono nabadda haddii labada dhinac ay u hoggaansami waayaan heshiiska.

Weriyayaasha ayaa sheegaya in hadalkani uu muujinaya sida ay xaaladda ugu cakirantahay hoggaamiyeyaasha koonfurta Suudaan ee madaxweyne Salva Kiir iyo ku xigeenkiisii hore Riek Machar oo heshiisyo ay horey u galeen oo lagu doonayay in rabshadaha dalkaasi lagu soo afjara ay fashilmeen muddo saacada gudahood ah.

Heshiiskani ayaa daba socda kulan barbar socday kulanka IGAD oo ku dhex maray labada hoggaamiye magaala madaxda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.