Gbagbo oo ICC ay dacwado ku oogeyso

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Layrent Gbagbo ayaa dagaalamaya kadib markii doorashada looga adkaaday

Maxkamadda dembiyada caalamiga ah ee ICC ayaa sheegayso in madaxweynihii hore dalka Ivory coast Layrent Gbagbo dacawad lagu soo oogi doono oo lagu eedeynayo dambiyo ka dhan ah aadanaha.

Gbagbo oo beeninaya eedeymahaasi ayaa waxa uu xabsiga ku jiray tan 2011-kii.

Waxa maxkamadda ku wareejiyey ninka ay isaga soo horjeedeen siyaasada Alassame Ouattara oo imika ah madaxweynaha dalkaasi Ivory Coast.

Maxkmadda waxay sheegtay inay qiimeysay cadeymo fara badan iyo maclumaad ay k aruurisay 108 markhaatiyaal, iyo cadeymo kale oo la soo uruuriyey oo gaaraya 22 kun oo bog. Dambiyada loo haysto waxa ka mid ah kufsi iyo dil.

Dambiyadaas waxa la sheegay in la fuliyey intii ay socdeen qalalaasihii siyaasadeed ee ka dhacay dalkaasi ivory coast 2010, rabshadahaas waxay ka bilowdeen muran ka dhashay natiijadii doorashada ee lagu murmay.