Qabsashada Taleex oo la cambaareeyay

Taleex Lahaanshaha sawirka Taleex
Image caption Taleex ayaa ah magaalo taariikhi ah

Bog twitter ah ayaa lagu sheegay in maammulka Khaatumo uu cambaareynayo qabsashada Somaliland ee magaalada Taleex.

Boggan oo lagu magacaabo Khatumo State (Gobolka Khaatumo) ayaa sheegay in maammulkooda uu cambaareynayo weerarka ay soo qaadeen Somaliland.

Maalin ka hor ayay ciidan ka tirsan Somaliland oo ka tagay degmada Laascaanood ay galeen degmadaasi.

Taliyaha guud ee ciidammada milateriga Somaliland, Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqalle, ayaa BBCda ugu sheegay in gelitaanka yahay hawlgal caadi ah oo lagu sugaayo nabadgelyada xuduudaha Somaliland.

15-kii bishii Abriil ee sanadkan ayey aheyd markii ay ciidammada Somaliland qabasadeen markii ugu horreysay magaalada Taleex laakiinse markii danbe iskood ayey uga soo baxeen.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan