Wareegga labaad ee codeynta Afghanistan

Image caption Sanaadiiqda lagu codeeynayo dalka Afghanistan

Iyadoo inta badan ciidamada shisheeye ay isu diyaarinayaan in ay ka soo baxaan dalka Afghanistan dhammaadka sannadkan, ayaa qofka noqon doono madaxweynaha cusub ee dalkaas waxa uu dhaxli doonaa waddan ururka taaliban uu weli firficoon yahay, dhaqaalaha uu liito, musuqmaasuqa uu yahay mid aad u sareeya iyo waddan sharci iyo kala dambeyn aanay ka jirin meelo badan.

Labada musharax ee isugu soo haray doorshadan wareegga labaad ayaa sameeyey olol ballaaran.

saraakiisha ayaa rajeynayo in wareegan labaad uu la mid noqon doono wareegii kowaad ee la qabtay bishii afaraad, doorashadaas oo inta badan u dhacday si ammaan ah iyadoo in kabadan boqolkiiba 50 ay u soo baxeen doorashada.

Ururka Taaliban ayaa wacad ku maray in ay si aan kala goos la hayn ay u weerari doonaan goobaha codbixinta.

Barta ay ku leeyihiin internetka aya waxay ku sheegeen in doorashada ka dhacaysa Afghanistan tahay mid uu soo abaabulay maraykanka oo doonaya bay yiraahdeen in uu xukunka u dhiibto dad isaga uu wato.

Waxay noqon doontaa markii ugu horaysay ee taarikhda Dalkaasi Afghanistan oo awooda lagu kala wareego si demoqaraadiyad ah.

Ololaha doorashada waxay socdeen bilooyin waxaan dhacay wareegii kowaad oo ahaa mid si aad ah ay dadku ugu soo baxeen.

Inkastoo ay jiraan arrimo weli niyad jab keenaya haddana weriyaha BBC-da ee Afghanitan ayaa tilmaamaysa in wax badan ay iska badeeleen dalkaas tan 2001-dii.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo boolisku ay baarayaan baabuurta galaya caasimada Kabul.

Natiijada hordhaca ah ayaa waxa la filyaa in ay soo baxdo 2-da bisha July halka Natiijada kama dambeysta ahna lagu dhawaaqi doono 22.