Shiicada oo hubka qaadaneyso

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Gawaarida kooxda ISIS ee doonayo inay ku duulaan Baqdaad

Shiikha ugu Sareeyo Shiicada ayaa ku baraarujiyay shiicada dalka Ciraaq inay qaataan hubka oo ay ka hortagaan sunniyiinta jihaaddoonka ah ee doonaya inay weeraraan magaalada Baqdaad.

Wakiilka wadaadka Ayatollah, Ali al-Sistani ayaa codsigaasi ka jeediyay magaalada Karbala, Salaadii jimaha kadib.

Waxaa jiro warar sheegayo inuu dagaal dhexmarayo Islaamiyiinta Sunniyiinta ah iyo Shiicada gobolka Diyaala.

Taageerada ay helayaan ciidamada Ciraaq iyo maleeshiyaadka Shiicada ayaa dhaliyay in dowladda Markale ay qabsato magaalada Samaraa, halkaas oo dagaal yahaniinta daacadda u ah kooxda ISIS ay isku deyayeen inay ka galaan dhanka Waqooyiga.

Ra’iisul wasaaraha Ciraaq Nuuri Al-Maliki ayaa lagu soo warramayaa inuu magaalada Samaraa tagay si uu uga qeyb galo shir amniga ku saabsanaa.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dagaal yahaniinta ISIS oo ilaaliya kontorool ay dhigteen.

Dhanka Kale, Qaramada midoobey ayaa xaqiijisay wararka sheegayo in dad rayid ah oo dhowaanahan la qabsaday inay dileen kooxda Islaamiga ah ee gacanta ku dhigay magaalada ku taalla waqooyiga dalka Ciraaq ee Muusil horraantii Isbuucan.

Waxaa la aamin sanayahay in ku dhowaad nus malyan qof inay ka qexeen magaalada Muusil, dadkaasi badan kooda waxay u jiheysteen dhulka ay Kurdiyiinta maamulaan ee Bariga iyo waqooyiga Ciraaq.

Kooxda jihaaddoonka ah ee ISIS, oo ah kooxda ugu adag ee ka dagaallanta Ciraaq iyo dalka Suuriya, ayaa sheegtay in ujeedadooda ay tahay inay qabsadaan magaalada Baqdaad iyo goobo aad uga fog.

Qoraalka Warbixinta lagu xaqiijiyay dilka dad lagu laayay jidadka magaalada Muusil, waxaa soo uruuriyay howlgalka Qaramada midoobeey ee Ciraaq.

Afhayeenka Guddiga xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey, Rupert Colville oo bixiyay sharaxaadda dadka la laayay ee ay xaqiijiyeen ayaa u digay dhinacyada dagaalka uu u dhexeeyo, wuxuuna u sheegay inay xushmeeyaan heshiiska xeerka caalamiga ah ee ku saabsan sida loola dhaqmayo maxaabiista iyo dadka rayidka ah ee laqabto.

Rupert Colville ayaa sidoo kale sheegay, in Islaamiyiinta oo keli ah aysan ahayn kuwa dhibaatada geystay, waxaa jiro warar sheegayo in ciidamada dowladda Ciraaq qaar ka mid ah inay si xun ula dhaqmeen dad shacabka ah.