Duqeyn ka dhacday woqooyiga Pakistan

Lahaanshaha sawirka AFP GETTY
Image caption Dowladda Pakistan ayaa bilowday inay werar cirka ah ku qaado Taalibaan

Sarakiisha ku sugan waqooyiga galbeed ee dalka Pakistan ayaa sheegaya in diyaaradaha militaraiga ee dowladda ay duqeeyeen goobo ay isku qariyaan kooxo isugu jira al-Qaacida iyo Taaliban.

Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya weerarkan, balse warbaahinta Pakistan oo soo xiganaysa saraakiil military ayaa sheegay in dhimashada ka dhalatay weeraradaas ay kor u dhaafayso boqol qof.

Weerarkaasi waxa uu ka dhacay gobolka qabaa'ilka ay maamulaan ee xadka la wadaaga afgahnistaan ee la yiraahdo Wazirstan.

Kooxda Taalibaan ayaa sheegatay weerar dhowaan lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Karachi, weerarkaas oo ay ku dhinteen 38 qof.

Waxa la aaminsanyahay in weerarkan militariga uu ka dhashay sheegashada ay Taalibaan sheegatay weerarka garoonka.

Waxa la sheegayaa in tallaabada ay dowladda qaaday ay soo afjari karto dadaaladii wadahalada ee u dhaxeeyey Taalibaan iyo xukuumada