Diyaarad laga qarxiyay Ukraine

Lahaanshaha sawirka c
Image caption Diyaaradaha Ukraine

Malayshiyaadka taageersan Ruushka ayaa bariga Ukraine ku soo riday diyaar xamuul oo ay leeyihiin millitariga Ukraine, waxaana ku dhintay dhamaan 49 kii qof ee saarnaa.

Wasaarada Difaaca ee Ukraine ayaa sheegtay in diyaarad xamuul oo nooceedu yahay II-76 in ay qaraxday kadib markii lagu dhuftay lidka diyaaradaha iyada oo maraysa magaalada Luhansk.

War kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa lagu sheegay in argagixisada aan daacada ahayn ay diyaaradaasi weerareen.

Diyaaradu waxaa ay waday ciidamo iyo qalab ama agab millatari waxaana ay rabtay in ay ku dagto garoonka magaaladaasi.

Waxaa la aaminsan yahay in ay tahay dhacdadii ugu darnayn ee ciidamo intaas la eg ay hal mar ku waayaan ama kaga dhintaan dawladda Ukraine, tan iyo intii xukuumada Ukraine ay bilowday hawl galada ay isku dayayso inay ku sifayso kacdoonada bariga Ukraine.