Xiriirka Iran iyo Maraykanka

Maraykanka ayaa tixgalinaya inuu wadahadal la furo Iran si looga hortago qatarta kordhaysa ee ka imaanaysa suniyiinta mintidiinta ee Ciraaq.

Masuul Maraykan ah ayaa u sheegay BBC in wadahadal dhici kara ay ka hadleen madax sare.

Wararka qaar ayaa sheegay in wadahadalka uu bilaaban karo toddobaadkan. Madaxweynaha Iran Xasan Ruuxaani, ayaa sheegay inuu tixgalin doono wadashaqayn hadii Maraykanka uu talaabo ka qaado Ciraaq.

Hadii Maraykanka iyo Iran ay wadahadal noocan yeeshaan waxay noqon doontaa talaabo wayn xiriirka Iran iyo Maraykanka oo waqti dheer xumaa.